Muran badeedka Soomaaliya & Kenya oo wili ku jiro gacanta maxkamadda caalamiga ah ee Hegue

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya  Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inuusan jirin wada xaajood ay Kenya kala yeelatay Dowladda Soomaaliya dacwadda Badda ee horay loo geeyey Maxkamadda caalamigaah ee Hegue.

Amb; Cawad ayaa xaqiijiyey inaanu jirin wax wada hadal rasmi ah oo Kenya iyo Soomaaliya ay ka yeesheen in waddo aan Maxkamadda Hegue ahayn lagu xalliyo khilaafka Soohdinta Badda ee Labada Dal ka dhexeeya.

“Kiiska dacwadda Badda ee inaga dhexeeya Kenya, waxa uu inoo joogaa
maxkamadda caalamiga ah ee Hegue, waxaan idiin xaqiijinayaa inaanu
jirin wax intaas ka baddalan oo Kenya na dhex maray, ingoo ixtiraamayna darisnimada naga dhaxaysa” ayuu yiri Mudane Cawad.

Hadalka wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa jawaab u ah wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma, oo todobaadkan sheegtay inay jiraan wadahal ay madaxda Soomaaliya kala yeesheen arrimaha muranka Badda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta

Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in askari...

Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay kulan aqoon-isweydaarsi ah

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Bannaabax lagu diidan yahay xadgudubka Israa’iil oo ka socda Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xadgudubka maamulka Israa’iil uu ku...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...