Guddomiya-yaasha aqalka sare iyo golaha shacbiga oo qaabilay wakiilka midowga Africa

Date:

Muqdisho(SONNA);- Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare Muddane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Middowga Afrika ee Soomaaliya ahna  Madaxa AMISOM Danjire Francisco Madeira ,ayagoo ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta Golaha Aqalka Sare iyo Middowga Africa.

Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa ku ammaanay Wakiilka Midowga Africa booqashada uu ugu yimid xarunta Golaha Aqalka sare iyo siday ugu heelan yihiin taageerada Soomaaliya.

Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka AMISOM Danjire Francisco Madeira ayaa kormeeray dhammaan waaxaha xarunta Aqalka sare ay ka kooban tahay,isagoona bogaadiyay howsha adag ee Xildhibaanada Aqalka sare u hayaan Ummada Soomaaliya.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya Mudane Amb: Mohamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayuu Kulan gaar ah La Qaatay Wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa U Qaabilsan Arimaha Soomaliya ahna Madaxa AMISOM Danjire Francisco Madeira,ayagoona ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta AMISOM iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...