Muqdisho(SNTV) Raโiisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kahyre oo ay wehliyeen Wasiirka Amniga,guddoomiye kuxigeenka dhanka amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir,saraakiisha Booliska iyo Asluubta ayaa xalay kormeeray qaar ka mid ahย saldhigyada Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo kantarooladda maagaaladda,iyagoo u kuurgalayay xaaladda guud ee amniga caasimadda.
Raโiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa warbixino ka dhageystay saraakiisha laamaha ammaanka,iyadoo la soo bandhigay Baco lagu soo xirey Baaruud loo ekeysiyay waxyaabo qarxa,kuwaasi oo xalay ka dhacay Muqdisho,si dhagarqabayaashu ay shacabka u qal qalgeliyaan.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal Bashiir Cabi Maxamed ayaa Raโiisul wasaaraha Soomaaliya warbixin ka siiyay amniga iyo wixii xalay dhacay ee Baaruudda ahaa.
โAbaaro halsaac iyo bar laga bilaabo waxaa la soo tuuray waxyaabo ku jira baco oo baaruud ah 5 Xamarweyne ayaa lagu soo ridey,2 Waaberi,2ย degmada Wadajir,majiraan wax khasaare ah oo ka dhashey,waxaa ladoonayay oo kaliya in lagu qal qalgeliyo shacabkaโ.Ayuu yiri Taliye Bashiir.
Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa faah faahin guud ka bixiyay ujeedka kormeerkan oo uu hoggaaminayay Raโiiul Wasaare Xasan Cali Khayre.
โCaawa waxaa kormeer shaqo aan ku tagnay Saldhigyada ย waxaana hoggaaminayay Raโiisul wasaaraha Soomaaliya,waxaan ka soo bilownay Kaaraan,ilaa Galgalata,Suuqa Xoolaha,waxaan ku soo geba gebeynay ilaa magaalada Daafaheeda,si aan u ogaanno sida ay ciidamadu ay u sugayaan amniga Muqdisho,shacabka waxaan doonaynaa in ay ku kalsoonaadaan dowladooda,waxaana ka codsanaynaa in shacabku ay la shaqeeyaan ciidamada ammaankaโ. Ayuu yiri Wasiir Islow.
Dowladda Soomaaliya ayaa sameysay ciidamo isku dhaf ah oo loo diyaariyay in ay sugaan amniga caasimadda,kuwaasi oo howlgalo ballaaran ka wada gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho.