Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Date:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa maalmihii la soo dhaafay fuliyay duqeymo is xigxigay oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanayay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalladan dhanka cirka ayaa ka dhacay deegaannada Gayfo, Ruun Idiris iyo Cali Gaduud, oo Khawaarijtu ka sameysatay xarumo abaabul, goobo tababar iyo meelo ay ku kaydsanayeen hub, rasaas iyo saanad ciidan.

Duqeyntii ugu horreysay, oo dhacday 24-kii bishan, ayaa lagu bartilmaameedsaday xarun abaabul oo Khawaarijtu ku lahayd deegaanka Gayfo, halkaas oo lagu beegsaday maleeshiyaadkii ku sugnaa goobta iyo hubkii ay halkaas ku kaydsanaayeen.

25-kii bishan ayaa sidoo kale la fuliyay saddex duqeyn oo is xigxigay, kuwaas oo lagu burburiyay xarun tababar oo Khawaarijtu ku lahayd deegaanka Ruun Idiris. Isla maalintaasna waxaa duqeyn kale lagu bartilmaameedsaday deegaanka Cali Gaduud, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad hubeysan oo Khawaarijtu u diyaarisay fulinta falal argagixisanimo.

Duqeymahan ayaa lagu dilay ku dhowaad 30 dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab. Sidoo kale, waxaa lagu burburiyay laba gaari, saddex mooto, hub, rasaas iyo saanad kale oo ay kooxdu u adeegsan jirtay abaabulka iyo fulinta falalka argagixisanimo

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...