Duqa Muqdisho oo daah-furay olole Maamulka Gobolka Banaadir ku afurinayo 15 kun oo qoys

Date:

Muqdisho, 17 Maajo, 2018 – Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha G/Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta daah-furay olole lagu afurinayo 15 kun oo qoys. Maamulka Gobolka Banaadir ayaana Sanadkii labaad afurinaya Bulshada danyarta ah ee ku nool Magaalada Muqdisho.

Duqa Caasimadda oo weheliyeen masuuliyiin ka tirsan maamulkiisa, madaxda Hay’adda Samafal Bulsho iyo qaar kamid ah Culima’udiinka ayaa kormeeray goobaha cuntada lagu diyaarinayo, iyagoo ugu baaqay cid walba oo wax haysato in kaalintooda ay ka qaataan gacan siinta walaalahooda Sooman.

Eng. Yarisow ayaa sheegay in barnaamijkan uu gobolku sameeyay markii uu arkay baahida loo qabo iyo sida ay lagama maarmaan u tahay gacan qabashada dadka danyarta ah. Isagoo uga mahadceliyey Hay’adda Samafal Bulsho doorka muhiimka ah ee ay arrintan ka qaadanayso.

’Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu u taagan yahay gacan qabashada danyarta Soomaaliyeed, maadaama ay bilatay bishii barakaysnayd ee Ramadan kuligeen waxaa waajib nagu ah gurmad iyo gacan qabasho loo fidiyo walaalaheena aan wax haysan, tani waa bilow lagu afurinayo 15kun oo qoys balse waa in loo istaagaa sidii intan looga badin lahaa”.Ayuu yiri Eng. Yarisow Duqa Caasimadda Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo...

Ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland oo soo afjaray Khawaarijtii weerartay deegaanka Kudhaa.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Kumaandooska Danab iyo kuwa...

Wasiirka Dekedaha XFS oo uga mahadceliyay Golaha Wasiirrada ansixinta Is-afgaradka Dekadaha Badweynta Hindiya.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir...