Duqa Muqdisho iyo Madaxa Bankiga Adduunka ee Bariga Afrika oo wada hadlay

Date:

(Muqdisho, 14 Maajo 2018) – Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha G/Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Bankiga Adduunka oo ay Hoggaamineysey Madaxa Bariga Afrika. Kulanka ayaana diiradda lagu saaray mashaariic horumarineed oo Bangigu ka fuliyo Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay iyadoo laga faa’iideysanayo horumarka dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha Caasimadda ee soo hagaagay ay lagama maarmaan tahay sameynta mashaariic waxtar leh, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan ugana helaan fursado shaqo.

Dhinaca kale Madaxa Bangiga Adduunka u qaabilsan Bariga Afrika Marwo Bella Bird ayaa uga mahadcelisay maamulka gobolka Benaadir soo dhaweynta loogu sameeyey Caasimadda dalka, waxayna sheegtay in Bangiga Adduunku sii xoojin doono taageerada dhinacyada kala duwan ee Soomaaliya si loo xaqiijiyo horumarka la higsanayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...