XEERKA TARTAN CILMIYEEDKA WARBAAHINTA QARANKA SOOMAALIYEED
Radio Muqdisho iyo SNTV waxa ay si wadajir ah u billaabayaan Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay ka qeybgalayaan 30 degmo oo ka tirsan Gobollada dalka.
Barnaamijkan,ย waxaa gabagabadiisa lagu bixin doonaa abaalmarin lacageed iyo koobab, waana sannadkii 6-aad oo aan Qabano tartankan, iyadoo sannadkii saddexaad oo xiriir ah uu maal-gelinayo maamulka gobolka Banaadir.
Tartan Cilmiyeedkan wuxuu si toos ah uga bixi doonaa Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Telefashinka Qaranka SNTV, halka akhristayaasheena ay ka daalacan karaan Webpage-ka radiomuqdisho.net iyo sntv.so
Qeybta hoose ka akhri Xeerka Tartanka.
XeerkaTartanka.
1-ย Degmo kasta waa in ay ilaalisaa waqtiga tartanka.
- Degmadu waa in ay xaqiijiso diyaar-garowgeeda tartanka maalin ka hor xilliga uu dhacayo.
- Waa in ay tartamayaashu diyaar ku ahaadaan goobta iyo khadka ay barnaamijka uga qeyb galayaan ugu dambeyn 30 daqiiqo ka hor xilliga tartanka uu billaabanayo oo ah 9:30 Habeennimo.
2-ย ย ย Degmadii maqnaata xilliga tartanka cudurdaar laโaan waxay la mid tahay iyadoo laga badiyay ama (Forfeit) dhibcaha ku weysay.
3-ย ย ย Tartamayaasha waa in ay u tartamaan si asluubleh.
- Kooxdii loo arko iney ku sifowday akhlaaq-darro, Guddiga tartanka ayaa goโaan ka qaadan doona.
4-ย ย ย Degmadii akhlaaq wanaag muujisa waxay heli doontaa abaalmarin gaar ah.
5-ย ย ย Tartamayaashii wax tabanaya waxay cabashadooda soo gudbinayaan inta tartanka lagu guda jiro, Ma jirto cabasho la dhageysan doono maalinta kale.
6-ย ย ย Suโaalaha loogu talo galay tartanka habeen kasta waa 14 , tartame kastana waxaa la waydiinayaa 7 suโaal, waana la badin karaa haddii ay tartamayaashu kala adkaan waayaan.
7-ย ย ย Tartame kasta waxaa suโaasha loogu celinayaa Saddex Jeer.
8-ย ย ย Waqtiga suโaasha looga jawaabayo waa haldaqiiqo iyo bar ama (90 Second).
9-ย ย ย Xilliga Jawaab bixinta, Tartamayaashawaxaa loo yeerayaa 3 jeer oo kaliya.
10-ย Jawaab kasta oo dhammeystiran waxaa lagu helayaa labo dhibcood.
11-ย Jawaab aan dhammeys-tirnayn laguma helayo wax dhibco ah.
12-ย Haddii ay suโaashu soo dhaaftoTartamayaashii la waydiiyay waxaa si ka faaโiideysi ah loogu gudbinayaa kooxda kale.
13- Ka faaโiideysigu ma laha wax waqti ah iyo ku celin toona.
14- Haddii labada kooxoodba ka jawaabi waayaan suโaasha waxaa ka jawaabaya GuddigaTartanka.
15- Jawaabta la qaadanayo waa tan uu bixiyo afhayeenka tartamayaashu soo wakiishaan, khalad iyo sax wixii ay noqotaba.
16- Suโaalaha la waydiinayo tartamayaasha waxay noqon doonaan
Kuwo isu dhigma.
17-Waxaa mamnuuc ah in qof uu labo degmo u tartamo.
18-Haddii mid ka mid ah degmooyinka tartamaya uu telefoonku kagoโo ama ay si ulakac ah u gooyaan ,
guddiga garsoorka tartanku waxa ay xaq u leeyihiin:
- In ay suโaasha baddelaan.
- In ay isla suโaashii waydiiyaan.
- Qasab ma ahan in suโaashadambe la mid ahaato suโaashii hore.
18-ย Natiijadarasmiga ah ee tartan kasta waa midka uu kudhawaaqo Guddiga marka tartanka la soo gabagabeeyo habeen kasta.
19- Tartamayaasha waa iney ku sugnaadaan gudaha degmada ay matalayaan.
- Tartamihii lagu helo inuu meel kale ka tartamayo guddiga wuxuu xaq u leeyahay inuu ka saaro madasha tartanka.
20- Guddiga Tartanka wuxuu ka digayaa wixii anshax xumo ah ee tartanka wax u dhimaya, sida khishka, laaluusha iwm, Tartamayaashii lagu helo waxyaabahaas ama wax u dhigma Guddiga wuxuu ka qaadanayaa go’aan adag.
ย