Safaaradda Soomaaliyeed ee k/Afrika oo qabatay Shir loogu hadlaayo waxbarashada Carruurta Soomaaliyeed

Date:

Pretoria-(SNTV)-Shirkan oo ay qabatay Safaaradda Soomaaliyeed ayaa kasoo qeyb galay Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda Soomaaliya,Xildhibaano,Madaxda Safaaradda,marti sharaf isugu jiray Macalimiin ka socotay Jaamacado ay ka mid iyo Iskuullo iyo waalidiin, waxaana loogu hadlayay sidii looga gudbi lahaa Ardaydaย  Soomaaliyeed ee ku dhaqan K/Afrikan caqabadaha kasoo wajaha Waxbarashada.

Macallimiintii iyo waalidiintii ka hadashay madasha Shirka ayaa qiray in Ardayda Soomaalida uu fahankooda aad u sarreeya balse loo baahan yahay in waalidiintu ku dadalaan sidii ay u qabsabsan laahayeen Carruurta laga keeno iyagoo yar yar Soomaaliya waxbarasha Dalkan.

Sidoo kale Shirka ayaa loogu hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Koonfur Afrika ee ku aaddan Waxbarashada sidii loo laba jibaari lahaa iyo sidii ay Dowladda K/Afrika ay u siin lahayd Iskuul Dibadadeed.

Macallimiinta ka hadlay oo uu ka mid ahaa Prof: Dzvimpo oo wax ka dhiga Jaamacadda Vaal ee Johannsburg, ayaa sheegay in uu Soomaaliya u tagay in ay Waxbarashado dibadeed siiyaan qaar ka mid Jaamacaha Soomaaliya waxa uu rajo fiican ka muujiyay Ardayda Soomaalida ee dhigta Jaamacaha Dalkan.

Sidoo kale Osman Raage iyo Chatty oo ka mid ah macallimiinta Magaalada Pretoria ayaa iyagunu sheegay inay soo kordhayso tirada Carruurta Soomaalida ee wax ka barta iskuullada iyagoo dhanka kale sheegay in ay jiraan caqabado xagga Luuqadda ah Caruurta Soomaaliya laga keeno.

Cabdi Xalane Xirsi, oo ah u qeybsanaha Waxbarasha iyo Hiddaha Safaaradda oo qudbad ka jeediyay ayaa sheegay in baaritaan uu sameeyay uu ku ogaaday inay kordhayaan tirada Ardada Soomaaliyeed ee ku dhashay Dalka, taasi oo sabab u ah in Qoysaska Soomaalida ay kusoo badanyaan wadanka K/Afrika.

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika,Danjire Jamal Barrow ,ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay u baahanyihiin in laga dhiso xagga Aqoonta ayna labada Dowladood sii kordhiyaan xiriirka.

โ€œ Soomaaliya hadda uma baahno wakhtigan in Raashiin loo qeybiyo balse waxay u baahan tahay Waxbarasho tayo leh in dhallaanka hadda jira ay la qabsadaan waxbarashada Caalamka.

Xilhibaan Ludfi iyo Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda,Mudane C/qaadir Axmed Kheyr, ayaa si la mid ah ugu hadlay tayeynta Waxbarashada Soomaaliya iyo Wasaaradda Waxbarashada K/Afrika iyo in Jaamacadaha Dalkaan ay waxbarashada la wadagaan kuwa Soomaaliya.

WD: C/qaadir Axad Dhaqane,Pretoria

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Raโ€™iisul wasaaraha XFS iyo wafdigiisa oo gaaray magaalada Laascaanood

Raโ€™iisulwasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo...

Laascaanood oo si weyn looga dareemayo soo dhowaynta Raโ€iisul wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya

Qaban qaabadda soo dhowaynta Raโ€iisulwasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Ciidamada Xoogga dalka ugu hambalyeeyey sanadguurada 65-aad

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...