Xulka Qaranka kubadda Gacanta Soomaaliya 20-jirada iyo 18-jirada oo ka qay galaya ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika

Date:

Muqdisho (SNTV) Xulka  qaranka kubadda Gacanta Soomaaliya 20-jirada iyo 18-jirada ayaa  maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aaden Cadde iyagoo kusii jeeda dalka Uganda oo ay uga qayb gali doonaan ciyaaraha kubadda Gacanta  Wadamada bariga iyo bartmaha Afrika (Africa Zone 5 International Handball Federation (IHF) Challenge Trophy 2018.

Xulka  Somalia  qaybta 20-jirada   waxaa ku wehliya   Wadamada  Kenya, Burundi, Uganda, Sudan, Tanzania , Ethiopia iyo  Rwanda Halka Da’yarta ay   kasoo ka qayb galayaan  dalalka, Somalia, Ethiopia, Kenya, Tanzania, Uganda , Sudan iyo Burundi.

Xulka 20-jirada waxaa   Group- B   kula jira Wadamada Burundi, Uganda iyo Rwanda, waxayna kulanka koowaad  14 May la ciyaari doonaan  dalka Burundi.

Xulka 18-jirada  Soomaaliya ayaa dhankooda waxay isku Group yihiin dalalka  Kenya, Ethiopia iyo Tanzania, waxayna kulankooda koowaad la ciyaari doonaan wadanka  Kenya waxuuna dhici dici doona isla 14-ka  May.

Tartankan oo ay wadamada soonka Shannaad ( Zone 5 ) ee geeska Afrika  ku  loolamayaan  waxuu wadankii ku guulaysta    kulan  fiinaal  ah la qaadan doonaa dalkii soo hantiya koobka wadamada Maqribka, waxaana   dalkii adkaada uu ka qayb gali doona ciyaaraha kubadda Gacanta Adduunka.

Ciyaartoyda Xulka qaranka ayaa diyaar garow ku jiray saddaxdii bil ee lasoo dhaafay, waxaana gacan taageero buuxdo  oo dhanka kasta  ka caawina yay Bankiga Premier  Bank oo ah Bangi markasta  ka qayb qaata horumarinta isboortiga dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi,...

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Ceeldheer ku abaalmariyay Geesiyaasha Xoogga Dalka

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi...

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...