Maamulka G/Banaadir oo dardargelinaya Sugidda Amniga Caasimada

Date:

Muqdisho (SNTV)- Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha G/Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta Daah-furay mashruuca Sugidda Amniga caasimada Muqdisho, sheegeyna in 90 cisho gudahood la doonayo in la helo amni waara.

Shirka maanta lagu qabtay xarunta Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka soo qeybgalay Duqa Muqdisho, Ahna Guddoomiyaha G/Benaadir, Ku xigeenada Amniga & Siyaasada iyo Arrimaha Bulshada, Xoghayaha Guud, Taliyeyaasha ciidamada Qalabka Sida ee G/Banaadir, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Guddiga Wacyigelinta Qaranka, iyo maamulada degmooyinka.

Ujeedada kulanka ayaa ahaa in la dardargeliyo barnaamijka Sugidda Amniga Muqdisho oo la isla gartay in loo wajaho si Istraatejiyad ah oo wadashaqeyn buuxda ah ee Maamulka G/Banaadir, hay’adaha amniga, Dariseynta iyo shacabka ay kaalin buuxda ka wada qaadanayaan sugida amniga caasimada.

“Waxaa xaqiiqo ah in weli ay jiraan caqabado dhinaca ammaanka ah balse haddii aan si xoojinno dadaalkeenna iyo wada shaqeynta aan la leenahay bulshada degmooyinka waxaa hubaal ah in lagu guuleysanayo xasilinta Caasimadda oo laf-dhabar u ah deganaanshaha guud ee dalka, waana in aan si Istraatejiyad ah oo wadashaqeyn buuxda ah ee Maamulka G/Banaadir, hay’adaha amniga, Dariseynta iyo shacabka u wajahnaa arrintan.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho Eng. Yarisow.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in mudnaan sare ay u leedahay sugidda amniga iyo isku xirna ciidamadda iyo shacabka, isagoo kula dar-daarmay saraakiisha kulanka ka qeyb galay in la dardargeliyo amniga caasimadda, si looga hortago qorshe-yaasha ay maleegayso argagixsadu.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...