Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray kulan ku saabsanaa is cafinta bulshada

Date:

Muqdisho (SNTV)-Aqoon isweydaarsi ku saabsan doorka Saxaafada ee is cafinta Bulshada ayaa maanta lagu soo gabo gabeeyay mgaalada Muqdisho.

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yoonis Iidaan ayaa maanta soo xiray Aqoon isweydaarsi ku saabsanaa doorka Saxaafadda ee is cafinta Bulshada, suxufiyiin, culimaa’udiin, Abwaano Soomaaliyeed iyo xubno kale oo kulanka lagu casuumay.

Kulanka waxaa kaloo ka qeyb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaalla, Qaar ka mid ah agaasime Waaxeedyada Wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale.

“Waxaan maanta soo xidhay kulan aqoon iswaydaarsi ah oo labadii maalmood ee u dambeeyey ka socday Hotel Jazeera, kulankan oo ku saabsan iscafinta, waxa kasoo qayb galay oo aaraadooda isku waydaarsanayay Suxufiyiin, Culimada iyo Abwaanada Soomaaliyeed, Cafis waxaan odhan karaa waa dariiqa kali ah ee lagu gaadhi karo dib u-heshiisiin Ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan oo hadlakiisa ku daray “Teamka Cafis iyo masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta waxaan ugu hambalyaynayaa sida wanaagsan ee ay usoo diyaariyeen Aqoon iswaydaarsigaas”.

Aqoon is weydaarsigan ayaa intuu socday waxaa lagu gorfeeyay doorka ay ka qaadan karto Warbaahinta in dadka Soomaaliyeed ay is cafiyaan maadaama dalka muddo ay ka jireen dagaalo sokeeye.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo shir deg deg ah ka yeeshay amniga Doorashada

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (Diyaano),...