Taliye ku-xigeenka Booliska gaarka ah ee Galmudug oo gaarey magaalada Hobyo

Date:

Hobyo(SNTV):–kormeerkan oo ahaa mid loogu kuur galayay howlaha shaqo ee ciidanka Booliiska degmada Hobyo, islamarkaana la xariira dadaalada sugidda iyo adkaynta ammaanka ayaa waxaa Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska dowlad Gobaleedka Galmudug G/sare Cabdi Jaamac Cabdulle (Xabeeb) uu ku tagay saldhigga ciidanka Booliiska degmadaasi.

Taliye ku xigeenka oo isagu maalmahaan kormeero ku marayay
saldhigyada ciidamada Boliiska ee deegaanada gobalka Mudug qaarkood ayaa markii uu tagay saldhigga degmada Hobyo waxa uu warbixino ka dhageystay saraakiisha ciidamada Boliiska degmada,isagoona warbixinta kadib kula dar daarmay in ay sii laba laabaan dadaalkooda,kuna ammaanay howlaha shaqo ee ay xiligaan ka hayaan degmadaasi.

Dhinaca kalana degmada Hobyo ayaa waxaa ka muuqanaya horumaro ballaaran tan iyo wixii ka danbeeyay markii halkaasi uu gaaray madaxweynaha jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya,iyadoona horumarka iyo amniga degmada Hobyo uu sababay in maalinba maalinta ka dambeysa degmada Hobyo ay soo gaaraan ganacsato Soomaaliyeed,kuwaasi oo doonaya in ay maalgashiyo ka sameystaan halkaasi,iyagoo ka faa’ideysanaya horumarka iyo amniga ka jira degmada Hobyo ee Gobalka Mudug.

Magaalada Hobyo oo ah magaalo Xeebeed ayaa muhiim gaar ah u leh bulshada deegaanadasi, iyadoo dhawaana halkaasi laga hirgeliyay waddo muhiim u ah isku xirka magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo ee Gobolka Mudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha

Sanduuqa Qaranka ee Maalgelinta Cimilada (National Climate Fund –...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee...