Muqdisho(SONNA) Munaasabadda caleema saarka gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maant ka dhaceeysa magaalada Muqdisho, iyadoo haatan ay socoto qaban qaabada ku aadan xafladdaasi.
Waxaa lafilayaa in ay ka qeybgalaan madaxda sare ee dowladda Soomaaliya, wafuud caalami ah iyo xubno ka tirsan Golayaasha kala duwan ee dowladda.
Gudoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa la doortay 30-kii Bishii lasoo dhaafay ee Apriil,i yadoo ay horyaalaan howllo muhiim uh horumarinta hanaanka dowladnimo ee dalka.