Dowladda Qadar oo cambaaraysay qaraxii ka dhacay Wanla-weyn

Date:

Doxa-(SNTV)-Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Qadar ayaa si weyn loogu cambaareeyay qarax xooggan oo Shalay ka dhacay Suuq lagu iibiyo Khaadka oo ku yaalla Magaalada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellada hoose.

Qaraxan ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 15 Qof oo shacab ah, iyadoo  tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay maamulka Degmada Wanla-weyn.

Warka kasoo baxay xukuumadda Doxa ayaa sidoo kale lagu dhaleeceeyay weerar lagu dilay Laba askari oo ka tirsanayd Boliiska dalka Afganistaan, kuwaasoo xilligaa ku sugnaa goob lagu baaro dadka iyo gaadiidka oo ku taalla Magaalada Kapul.

Dowladda Qadar ayaa sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u dirtay Qoysaskii ay ka baxeen Dadkii ku dhintay weerarradii ay kooxaha argagixisadu ka geysteen Soomaaliya iyo Afgaanistaan, iyadoo caafimaad ded-deg ah u rajeysay Dadkii ku dhaawacmay weerarradaasi.

Isha/ Gulf Times

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...