Arday Soomaaliyeed oo deeq Waxbarasho ka helay Koofur Afrika ayaa gaaray Wadankaasi

Date:

Muqdisho (SNTV), Wiilashaan oo naafo ka ah Aragga oo deeq waxbarasho ka helay mid ka mid ah iskuulada waxbarasho ee loogu talagalay dadka Aragga la’a ee ku yaala magaalada Durban ee dalka Koonfur Africa ayaa Xalay saqdii dhaxe waxaa ay soo gaareen magaalada Johannesburg.

Qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaalida ee ku nool magaalada Johannesburg,madaxda Jaaliyada iyo waliba Masuuliyiin ka socday safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Koonfur Afrika ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada johannesburg kusoo dhaweeyay dhalinyaradaani.

Abiikar Xuseen Bashiir oo ka mid ah maamulka iskuulka dadka aragga la’a ee Al Basiir oo ku yaala magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya oo warbaahinta qaranka kula hadlay  gudaha garoonka diyaarada ah ayaa sheegay in dhalinyaradaan ay fursado waxbarasho ay ka haleen dugsiga Al-Nuur ee ku yaala magaalada Durban, arrintaasna ay gacan ay ka siisay wasaarada waxbarashada Soomaaliya.

Maxamed Cabdulaahi Axmed, Maxamed Muktaar  iyo Cabaas Maxamed oo ah dhalinyarada fursadaan waxbarasho ka helay dalkaan Koonfur Afrika oo warbaahinta qaranka ay dareenkooda wax ka weydiisay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin isla markaana ay rajeynayaan in heer ay ka gaaraan waxbarashada si bulshada la mid ah ay wax ugu qabtaan

Waa ardaydii ugu horeysay ee deeq waxbarasho ku yimaadda gudaha dalkaan Koonfur Afrika waxaana la filayaa in ay yimaadaan bilaha soo socda arday kale oo heer jamacadeed ah kuwaasi deeq waxbarasho ku helay sida uu warbaahinta qaranka u sheegay Cabdi Xalane Xirsi u qaabilsanaha safaarada dhanka waxbarashada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...

Wasaaradda ganacsiga oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soosaarka gudaha

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...