Shir looga hadlayay qabyo qoraalka sharciga doorashooyinka oo lagu soo gabo gabeeyay Muqdisho

Date:

Muqdisho (SNTV)-ย Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay sharci yaqaano ka kala socda Gobollada dalka, Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, Guddiga Xaduudaha, Wasaaradda Cadaaladda iyo Wasaaaradda Dastuurka.

Ka qeyb galayaasha kulanka oo kooxย  koox loo qeybiyay ayaa dood qaadatay laba maalmood ka yeeshay qabya qoraalka sharciga doorashooyinka Qaranka Soomaaliya.

Gabagabada kulanka Agaasimaha Waaxda Federaalka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya Cabdinaasir Xaaji Axmed ayaa sheegay in talooyinkaย  ka soo baxay dooda ka qeyb galayaasha ay qaadanayaan, Wasaaraduna ay sii balaarinayso la tashiga qeybaha muhiimka u ah sameynta sharcigaan.

โ€œWaxaan ku faraxsanahay fikradaha iyo talooyinka wanaagsan nala siiyay, waana diiwaan gashanay, waxay qeyb ka noqonayaan talooyinka nagu soo biiri doonoย  ee ka imaanaya gobolka Benaadir, Dowlad Goboleedyada iyo qofkasto oo Somaali ah oo wax ku kordhinaya sharcigaanโ€ ayuu yiri Agaasimaha

Agaasime Cabdinaasir waxa uu intaa ku daray inay hubin doonaan qabya qoraalka sharciga doorashooyinka inuu waafaqsan yahay shuruucda dalka u degsan.

โ€˜โ€™Waxaan hubin doonaa inuu waafaqsan yahay Dastuurka dalka iyo shuruucda kale, waxaana marsiinaynaa 11ย  geeddi socod oo sharci walba uu marana waa uu maraya qabya qoraalkaanโ€

Kulankaan ayaa ka qeyb ka ah dadaalada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya ee dhameystirka sharciyada muhiimka u ah doorasho qof iyo cod ah inay ka hirgasho guud ahaan dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Raโ€™iisul wasaaraha XFS iyo wafdigiisa oo gaaray magaalada Laascaanood

Raโ€™iisulwasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo...

Laascaanood oo si weyn looga dareemayo soo dhowaynta Raโ€iisul wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya

Qaban qaabadda soo dhowaynta Raโ€iisulwasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Ciidamada Xoogga dalka ugu hambalyeeyey sanadguurada 65-aad

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...