Muqdishu (SNTV)-Raisul wasaaraha xukuumada federalka Soomaaliya mudane Xasan Cali kheyre taliyaha ciidanka asluubta Bashiiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow ayaa maanta si wadajir waxa ay kormeereyn Ciidamo isku dhaf ah oo kujira xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamadan ayaa qeyb ka noqon doono dadaaladda hadda loogu jiro sugidda amniga, waxa ayna ciidamadan si gaar ah ugu biiri doono dadaaladda socdo ee howlaha nabad gelyada.
Ra’isul wasaare kheyre ayaa dar-daaran u jeediyay ciidamadan, waxa uuna ugu baaqay in ay u turaan shacabka ay amnigooda sugayaan, Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale ku amaanay maamulka gobalaka Benaadir wada shaqeynta kala dhaxeysa ciidamada amniga.
Ciidamada ammaanka ayaa dadaal xoogan ugu jiro sidii ay kaga hor tegi lahaayeen falalka wuxuushnimada ah oo ay u malaagayaan shacabka Soomaaliyeed Malaashiyada Al-shabaab.