Golaha Wasiirada XFS oo maanta ka hadlay arrimaha Fatahaada iyo Ansixinta Hab-Maamuuska xeer lagu aas aasay Midowga Baarlamaanka Africa

Date:

Muqdisho, May, 06, 2018—- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa galabta shir-guddoomiyay shirkii aan caadiga ahayn ee gollaha wasiiradda Soomaaliya, waxaana looga hadlay Xaaladda fatahaada wabiyadda Jubba iyo Shabelle, Anxisinta Hab-Maamuuska xeerka lagu aas aasay Midowga Baarlamaanka Africa, Amniga dalka iyo warbixin ku saabsan shirkii arrimaha amaanka ee Belgium.

Gudoomiye Ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahdi Cabdalle Cawad ayaa gollaha u soo bandhigay xeer khuseeya Midowga Afrika, kaas oo ay ku midaysan yihiin dhammaan baarlamaanka Qaaradda Africa, waxaana shir-guddoomiye u ah Soomaaliya. Dood iyo falanqayn dheer ka dib gollahu waxay isla gartayn in si deg-deg ah loo ansixiyo xeerkan, si dawladda soomaaliya ay xubin uga sii ahaato midwaga baarlamaanka Afrika.

Wasiir ku xigeenka Amniga Soomaaliya Cabdinaasir Siciid Muuse ayaa ka warbixiyay ammaanka dalka gaar ahaan xaaladda Muqdisho iyo habka ay ciidamadu u wadaan howlagalada laga fuliya gobollada dalka iyo caasimadda Soomaaliya, kuwaasi oo la gula dagaaalamo kooxda Alshabaab. Waxuuna cadeeyay wasiirku in wasaaradda ay mar-walba ka shaqeyso dar-dargelinta xasilinta amaanka dalka oo dhan.

Sidoo kale golloha ayaa wabixin faah-faahsan ka dhagaystay Guddiga gar-gaarka qaran ee fatahaada wabiyadda Jubba iyo Shabelle, waxayna soo bandhigayn saamaynta ay shacabka Soomaaliyeed ku yeesheen fatahaada wabiyada. Intaas ka dib gollaha xukuumaddu ayaa isla gartay in ay dawladdu ku bixiso waxkasto oo ay hayso, si loo badbaadiyo shacabka, sidoo kalena ay qorshe balaarana ka yeelato soo noq-noqshada fatahaada wabiyada.

Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay shirkii arrimaha amniga iyo xaaladda ciidmadda ee Belgium, waxuuna sheegay in xukuumaddda Brussels ay miisaaniyada Soomaaliya ku kabayso lacag dhan € 100 Euro, oo u dhiganta 120,million. Sidoo kalena waxaay dawladaha caalamka balan qaadeen in ay caawin doonaan Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo baaris ku wada dhallinyaro ku xadgudbay Gabadh Soomaaliyeed

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay uu...

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo booqday Xarunta Qaran ee TUBSAN

Agaasimaha Xarunta Qaran ee TUBSAN, Mudane Cali Yaasiin Gurbe,...

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale oo u baxay joojinta colaadda ka taagan magaalada Jalalaqsi

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Senator Fartuun...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Guddoomiyay Shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...