Duqa Muqdisho ”Waxaa naga go’an in aan xoojino fursadaha shaqo abuurka Dhalinyarada”

Date:

Muqdisho (SNTV)-Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo daah furay wajiga labaad ee Barnaamijka Shaqaaleysiinta Dhalinyarada Gobolka ayaa sheegay in maamulkiisu uu xoogga saari doono sidii loo dar-dar gelin lahaa barnaamijkan.

Guddoomiyaha ayaa xusay in wajiga labaad ee dib loogu howl gelinayo kun dhallinyaro ah oo horey loo shaqaaleysiiyey muddaddo 6 bilood ah ay tilmaameyso mudnaanta uu siinayo Maamulka Gobolka Benaadir sidii loo joogteyn lahaa qorshayaasha ku saabsan shaqaaleysiinta dhalinyarada.

“Maamulka Gobolka waxaa ka go’an in uu fursadahan oo kale u hir-geliyo dhammaan dhalinyarada Gobolka. Iyadoona laga shaqeeynayo sidii dhammaantood ay u noqon lahaayeen qeybo wax barta iyo kuwo loo abuuro fursado shaqo, taasina waxay ku hir gelaysaa iskaashi dhammeystiran oo dhammaanteen la nimaadno.”

Dhalinyarada dib loo howl geliyey ee qeybta ka ah barnaamijka shaqaaleysiinta ayaa ka warbixiyey faa’iidada uu ku soo kordhiyay nolashooda, gaar ahaan khibraddooda shaqo, iyagoona muujiyey sida ay uga go’an tahay in ay labo laabaan dadaalkooda ku aaddan sidii ay ugu adeegi lahaayeen dalka iyo dadkooda.

Sidoo kale, munaasabaddan lagu daah furayey barnaamijka shaqaaleysiinta dhalinyarada Gobolka Benaadir waxaa hadallo ka jeediyey Guddoomiye Ku-xigeennada Amniga iyo Siyaasadda, Mudane Maxamed Cabdullaahi Tuulax, Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed , Xildhibaanno iyo masuuliyeen kale oo heer gobol iyo degmo ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...