Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Tamarta & Kheyraadka Biyaha oo Shir uga qeybgalaya Kuwait

Date:

Muqdisho (SNTV) Wasiir Ku Xigeenka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya ahna Siihayaha Wasaaradda Mudane Cismaan Libaax Ibrahim iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Kuwait, waxaana si heer sare ah ugu soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Wasiir ku xigeenka Wasaaaradda Tamarta iyo Biyaha Kuwait, Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Kuwait Mudane Abiib Muuse Faarax oo uu wehliyo Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Mudane Farxaan Cabdi Gurxan.

Soo dhaweynta kadib waxaa loo galbiyay Wafdiga Wasiirka Hotel Shareton uu ka furmay Shirweynaha 3aad ee Arrimaha Biyaha Carbeed oo heer Wasiiro ah, kaas oo ay sanadkan martigalisay Dowladda Kuwait.

Wafdiga Wasiirka waxaa ku wehliyay Enj. Cumar Shuuriye, Lataliyaha Wasaaradda ee Arrimaha Biyaha iyo Lataliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha Carabta Cumar Carab Ibrahim.

Wasiirka iyo wafdigiisa inta ay ku sugan yihiin dalka Kuwait waxaa lagu wadaa in ay kulamo gaar gaar ah la qaataan Wasiiradda Carbeed ee Shirka ka soo qeybgalay iyo Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Kuwait oo ay marti u yihiin.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Amiirka dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq ka soo saartay qalalaasahii rabshadaha watay ee ka dhacay gobolka Awdal

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq kasoo saartay qalalaasahii rabshadaha...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo xariga ka jaray dhismaha Buundadda Sabiid iyo Caanoole

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho 1- Madaxweyne Xasan...