Shir-weynaha Qaran ee Dastuurka oo dhawaan la qabanayo.

Date:

Muqdisho(SNTV):–Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxbanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa waxay si wadajir ah uga shaqeeynayaan qabanqaabada Shir-weynaha Qaran ee lagu daah-furayo Ololaha Dib-u-eegista Dastuurka.

Guddi ka kooban Wasaaradda iyo labada Guddi ayaa waxaa dhawaan loo xilsaaray agaasimidda Shir-weynaha Qaran, iyaga oo maalmahanba lahaa shirar joogta ah.

Hay’adaha u xil-saaran dib-u-eegista Dastuurka ayaa waxay go’aansadeen in Shir-weynaha Qaran uu qabsoomo 13 – 15 bishan Maajo, sida la qorsheeyayna waxaa ka soo qaybgeli doonaan in kabadan 300 oo qof.

Ka qaybgalayaasha Shir-weynaha Qaran ayaa ka koobnaan doona xubno ka socda laamaha Garsoorka, Sharci-dejinta iyo Fulinta ee heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed. Sidoo kale waxaa ka soo qaybgelidoonaan xubno badan oo kamid ah Ururada Bulshada Rayidka oo ka kala imaanaya Gobolada dalka iyo qurbojoogta Soomaaliyeed.

Ugu dambayntii waxaa xusid mudan iyada oo maanta ay ahayd Maalinta Shaqaalaha Aduunka oo dhamaan Shaqaalaha dawladda u shaqeeya iyo kuwa aan dawladda u shaqeynba ay fasax ku jireen, in Gudigga Shir-weynaha Qaran qabanqaabinaya ay lahaayeen shirar joogta ah si loo qabto Shir-weyne Qaran oo ka qaybgalkiisu loo dhanyahay islamarkaana si wanaagsan ku soo dhamaada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka...