Shir-weynaha Qaran ee Dastuurka oo dhawaan la qabanayo.

Date:

Muqdisho(SNTV):–Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxbanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa waxay si wadajir ah uga shaqeeynayaan qabanqaabada Shir-weynaha Qaran ee lagu daah-furayo Ololaha Dib-u-eegista Dastuurka.

Guddi ka kooban Wasaaradda iyo labada Guddi ayaa waxaa dhawaan loo xilsaaray agaasimidda Shir-weynaha Qaran, iyaga oo maalmahanba lahaa shirar joogta ah.

Hay’adaha u xil-saaran dib-u-eegista Dastuurka ayaa waxay go’aansadeen in Shir-weynaha Qaran uu qabsoomo 13 – 15 bishan Maajo, sida la qorsheeyayna waxaa ka soo qaybgeli doonaan in kabadan 300 oo qof.

Ka qaybgalayaasha Shir-weynaha Qaran ayaa ka koobnaan doona xubno ka socda laamaha Garsoorka, Sharci-dejinta iyo Fulinta ee heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed. Sidoo kale waxaa ka soo qaybgelidoonaan xubno badan oo kamid ah Ururada Bulshada Rayidka oo ka kala imaanaya Gobolada dalka iyo qurbojoogta Soomaaliyeed.

Ugu dambayntii waxaa xusid mudan iyada oo maanta ay ahayd Maalinta Shaqaalaha Aduunka oo dhamaan Shaqaalaha dawladda u shaqeeya iyo kuwa aan dawladda u shaqeynba ay fasax ku jireen, in Gudigga Shir-weynaha Qaran qabanqaabinaya ay lahaayeen shirar joogta ah si loo qabto Shir-weyne Qaran oo ka qaybgalkiisu loo dhanyahay islamarkaana si wanaagsan ku soo dhamaada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo Iska diiwaangeliyay Dhuusaamreeb, si uu u qaato Kaarka Aqoonsiga Qaranka

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Cali Daahir...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo digniin kasoo saaray dadka aflagaadada iyo sumcad dilka kawada baraha bulshada

WAR-SAXAAFADEED Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu gacanta...

Wasiirka Gaashaadhigga oo ka qeybgalay munaasabad tababar loogu soo xirayay saraakiil katirsan ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo...