R/wasaare Khayre oo shir guddoomin doona Shirka Amniga Soomaaliya ee Brussels

Date:

Brussels(SNTV) Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka,halkaas oo uu ka furmayo shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya,gaar ahaan dhismaha ciidamada.

Shirkaas oo wadamada Yurub iyo kuwa daneeya arrimaha Soomaaliya ay isugu imaanayaan ayaa dawladda Soomaaliya waxa ay la tagaysaa qorshe ay doonayso in laguhorumariyo ciidamada qalabka sida, si loogu diyaariyo inay ammaanka dalka ku filnaadaan,si loo soo gabangabeeyo hawlgalka AMISOM.

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisal wasaaraha dalka ayaa shir guddoomindoona shirkaas oo la doonayo in lagu yabooho dhaqaale dawladda u fududeeynayo dhismaha ciidanka, sida uu sheegay Cali Siciid Fiqi Safiirka Soomaaliya ee Midawga Yurub.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray Iskuul waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Duqa Muqdisho oo Booqday Qoys Waxyeello kasoo Gaartay Dab ka Kacay Degmada Howlwadaag

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...