Mashruuca Qolalka Shirarka Hay’adaha Dawladda oo la daah-furay

Date:

Muqdisho (SNTV)-Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa si rasmi ah u furay qolka shirarka ee Aqalka Sare, kaasi oo qeyb ka ah mashruuc ballaaran oo lagu fududeynayo xiriirka hay’adaha dawladeed.

Mashruucan oo uu maal-geliyay Bankiga Adduunka waxaa lagu dhisay 37 qolal shirar oo si casri ah loo qalabeeyay, kuwaasoo min 5 laga dhisay Somaliland, Puntland, GalMudug, HirShabelle, SouthWest and Jubbaland, halka inta soo hartay laga dhisay caasimadda.

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi C/laahi, ayaa uga mahad celiyay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta inay Aqalka Sare u xusheen daahfurka mashruucan. Guddoomiyuhu wuxuu intaasi ku daray in qolalkan ay Aqalka Sare ka caawin doonaan sidii uu xiriir joogto ah ula yeelan lahaa goleyaasha dawlad-goboleedyada.

Isagoo ka hadlayay munaasabadda lagu daah-furayay mashruucan ayaa Wasiir Cabdi Cashuur Xasan wuxuu uga mahad celiyay Bankiga Adduunka inuu maal-geliyay mashruucan oo lagu dhisayo awoodda hay’adaha dawladeed. Wuxuu sheegay in mashruucan oo soo socday sanadihii u dambeeyay la dardar-geliyay bilihii la soo dhaafay si hay’adaha dawladeed ay uga faa’iideystaan farsamada casriga ah.

“Qolalka shirarka waxay leeyihiin faa’iidooyin badan. Waxay sare u qaadi doonaan xiriirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha dawladeed; waxay sugayaan amniga madaxda, waxay noo baajinayaan kharashaadka safarrada, waxayna badbaadinayaan deegaanka maadaama safarkii yaraanayo,” ayuu yiri wasiirka.

“Waxaan rajeynaynaa in si wanaagsan looga faa’iideysan doono, ayna caawin doonaan dhismaha hay’adaha dawladeed.”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...