Guddiga Kheyraadka Biyaha Aqalka sare iyo Xubno ka socda M/Goboleedyada oo ka shiray sharciga Keyraadka Biyaha dalka

Date:

Muqdisho(SNTV);- Guddiga Kheyraadka Qaranka,Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Gaadiidka Golaha Aqalka sare iyo Xubno ka socda Maamul Gobolleedyada dalka ayaa maanta kullan wadatashi ah oo ku saabsan Keyraadka biyaha dalka ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi oo furay shirka ayaa sheegay iney muhiim tahay in shuruucda dalka loo sameynayo in si wadajir ah kaalin looga qaato,islamarkaana maamul goboleedyada laga tali geliyo sameynta sharciga Keyraadka Biyaha dalka si tabashada iman karta xal wadajir ah looga gaaro.

Wuxuuna Guddiga KheyraadkaQaranka,Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Golaha Aqalka sare uga mahad celiyay abaabulka iyo kaalinta uu ka qaatay sameynta shuruucda Keyraadka Biyaha dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka Qaranka, Kaabiyaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Golaha Aqalka sare Senator Ilyees Cali Xasan oo kullanka ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka ugu muhiimsan ee shirka uu yahay in laga wadatashado sharciga Kheyraadka Biyaha oo uu sheegay iney gacanta ku hayaan.

Sharciga Kheyraadka Biyaha ayaa horay u soo maray Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Wasiirki Biyaha iyo Tamarta u gudbiyay,waxaana ka dib loo soo gudbiyay Golaha Aqalka sare oo isla Wasiirka akhrinta koowaad ka horjeediyay Xildhibaanada Golaha Aqalka sare.

Shirka oo maanta furmay ayuu Senator Ilyees Cali Xasan wuxuu tilmaamay in Xubnaha ka socda Maamul Gobolleedyada iyo iyagaba dhowrka maalmood ee soo socda ka wada arrinsan doonaan ka dibna ay ka soo saari doonaan sharci loo wada dhan yahay oo laga talageliyay dhammaan xubnaha uu sharcigan quseeyo.

Ugu danbeyntii,Guddoomiyaha Kheyraadka Qaranka,Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Gaadiidka Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Senator Ilyees Cali Xasan ayaa sheegay in maalinta berito ah isugu yeeri doonaan boqol Xubnood oo ka socda Gobolka Banaadir si ay uga wada hadlaan Hindise sharciyeedka Kheyraadka biyaha dalka,kuwaasi oo looga baahan yahay iney taladooda ku darsadaan sharcigan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...