Muqdisho (SNTV)ย Raโiisalwasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Md Mahdi Mohamed Gulleid (Khadar) ayaa hambalyo udiray Guddoomiyaha cusub ee Golaha shacabka.
Ku xigeenka Raโiisalwasaaruhu waxaa uu mudanayaasha baarlamaanka ku boogaadiyay hanaanka dimuqraadiga ah ee ku doorteen Guddoomiyaha cusub.
Qoraal kooban uu ku baahiyay boggiisa twitterka ayaa udhignaa sidan.
โWaxaan hambalyo u dirayaa Guddoomiyaha cusub ee Barlamaanka Md Mohamed Mursal. Waxaan u rajaynayaa in ilaahay xilka u fududeeyo, waxaan kale oo Golaha shacabka ku boogaadinayaa hanaanka Dimuqraadiyadu bud-dhiga utahay ah ee ay ku doorteen guddoomiyaha cusubโ.
