Qalab internetka Onlinka oo loga qeyb galidoono shirar caalami ah ayaa laga hirgaliyay xafiisyada dowlada

Date:

Wasaarada Boostada Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa xarunta  aqalka sare ee Baarlamaanka soomaaliya ka hergalisay mashuuruuca taakuleynta Isgaarsiinta oo onleyn looga qeyb gali karo shirarka ka dhacaya dibada kaas oo uu xariga ka jaray Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Mashruucan oo ay maalgalintiisa laheed wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta kala kaashatay bankiga aduunka ayaa ah mid muhiimadiiso tahay in nidaam isgaarsiineed uu yeesho dalka waxaana arinta kaga warmay warbahinta qaranka Cabdi Salaam Shariif Xuseen mareeyaha mashruuca taakuleynta Isgaarsiinta ect oo sharxaad dheer ka bixiyay muhiimada ay u leedahay isgaarsiintaan laamaha dowlada.

Wasiirka Boostada iyo isgaarista xukuumada soomaliya Eng Cabdi Canshuur Xasan oo ka hadlay kulanka qalabka lagu soo bandhigayay ayaa sheegay in qalabkani aay geeyen  qayb ka mid ah xafiisyada dowlada si loo helo isgaarsiin dhamestiran.

Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa wasaarada Boostada iyo isgaarsiinta xukuumada soomaliya kaga mahadcilayay shaqada adag ay dalka u hayaan,  sido kale waxa uu sheegay in qalabkaan isgaarsiineed u yahay hormaar soo garay dalka iyo xafiisyada dowlada.

Ilaa 37 xafiis ayeey sheegtay wasaarada boostada iyo isgaarsiinta soomaliya in qalabkani ku rakibeen sidoo kale ay gaarsiindoonaan maamul Goboleedyada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...