Madaxweyne Waare ”150.000 oo Qof ayaa ka barakacday Fatahaadda Webiga Shabeelle

Date:

Baladweyne-(SNTV)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, ayaa ku baaqay in Dadka ku dhibaataysan daafaha Magaalada Baladweyen loo sameeyo gurmad ballaaran.

Mudane; Waare oo isaga oo ku sugan Magaalada Baladweyne Waraysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay inay Magaalada ka barakaceen Dad gaaraya 150,000 Oo Qof, kuwaasoo ay dhibaatooyin kala geddisan ku haystaan halka ay u qaxeen.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Dadka ka barakacaya fatahaada Webigu ay kor u sii kacaysa tiradoodu marba marka ka dambaysa.

Madaxweynaha ayaa ugu dambayn Dowladda dhexe, hay’adaha samafalka, Ganacsatada, Bulshada qaybaheeda wax haysata iyo qurba joogtaba ugu baaqay inay Gacan weyn ka geystaan samata bixinta Dadka ku tabaalaysan daafaha Magaalada B/weyne.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jigjiga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo...