Wasiirka amniga oo kormeerey baraha koontarool ee laga soo galo Muqdisho.

Date:

Muqdisho (SNTV)- Iyadoo magaalada Muqdisho ay ka socdaan howlgalo amniga lagu xaqiijinayo ayaa wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaale (Islow)  waxaa uu kormeer ku sameeyey dhamaan goobaha ay ka socdaan howlgaladaasi,isagoo u kuurgalayay sida loo xaqiijinayo amniga caasimadda.

Meelaha uu booqday Wasiirka amniga oo ay wehliyeen guddoomiyaha Gobolka Banaadir,taliyeyaasha Nabad sugidda iyo Booliska waxaa kamid ah dhamaan barkoontaroolada laga soo galo magaalada Muqdisho iyo isgoysyada magaalada,sida Exkontarool Afgooye,Wadada Warshadaha iyo meelo kale.

Wasiir Maxamed Abuukar  Ducaale iyo mas’uuliyiintii la socotay ayaa ku dhiirogeliyay ciidamada ku jira heeganka in ay waajibkooda si hufan u gutaan,ayna shacabka ka difaacaan cadowga Al-shabaab.

Mudadii ay kormeerka kujireen ayaa xaruntii Jamaacadda Gahayr ee Muqdisho,waxaa ay kula kulmeen saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliyeed kuwaasi oo ku sugan halkaasi,iyagoo wax ka weydiinayay sida ay u socdaan howlahaasi amni sugidda ah.

Ugu dambeyn Wasiirka amniga,guddoomiyaha Gobolka Banadir iyo saraakiishii la socotay  ayaa waxey kormeerka kusoo gabo gabeeyeen Xeebta dheer ee liido, oo xiliyada habeenkii ah maqaaxiyo ku yaala dhalinyaradu ku qaxweeyaan, wasiirka ayaana halkaa dhalinta kula qaatay tamashalaha nasiinada jimcaha.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo baaris ku wada dhallinyaro ku xadgudbay Gabadh Soomaaliyeed

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay uu...

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo booqday Xarunta Qaran ee TUBSAN

Agaasimaha Xarunta Qaran ee TUBSAN, Mudane Cali Yaasiin Gurbe,...

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale oo u baxay joojinta colaadda ka taagan magaalada Jalalaqsi

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Senator Fartuun...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Guddoomiyay Shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...