Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlay arrimaha socdaalka

Date:

Jabuti-(SNTV)-Agasimaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha ee Soomaaliya , Mahamed Aadan Jimcaale (koofi) oo safar shaqo ku jooga wadanka Jabuuti ayaa booqasho ku tagay Degmada lowya cadde oo uu ku taalla xuduudda Soomaaliya iyo Jabuuti.

Mudane; Koofi iyo masuuliyiinta ku wehlisa socdaalkiisa, ayaa halkaasi kula kulmay madax ka tirsan waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Jabuuti, iyagoo ka wada sheekeystay xaaladda socdaalka Labada dhinac iyo sidii laysaga kaashan lahaa haddey jiraan caqabado ka taagan xadka.

Sidoo kale wuxuu Agaasimuhu u kuurgalay  howsha halkaasi ka socota iyo nidaamka ay ku shaqeyaan sarakiisha qaabbilsan socdaalka xudduudaha ee Dalka Jabuuti, wuxuuna shaqada halkaasi ka socota ku mid wanaagsan oo ku dayasho mudan.

Agaasime Mahamed Aadan koofi ayaa sidoo kale booqday Safaradda Soomaaliya ee ku taalla Caasimadda Jabuuti, waxana halkaasi kusoo dhaweeyay ku simaha Safiirka Soomaaliya ee Jabuuti, C/raxmaan Maxamed Hiraabe iyo masuuliyiin ka tirsan howl-wadeennada Safaaradda.

Mr; Koofi ayaa intii uu ku sugnaa Safaaradda wuxuu kormeeray qaybta socdaalka , isagoo u kuur galay sida ay u shaqeyso qaabka ay Baasaboorrada u qaataan Dadka Soomaaliyeed iyo howsha ballaaran ee ka socta safaradda Soomaaliya ee Jabuuti.

Agaasime Koofi ayaa kulan gaar ah la qaatay taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti Col; C/laahi Cabdi Faarax, oo isagu ay hoos timaaddo waaxda socdaalka Jabuuti,iyagoo ka wada hadlay xiriirka waaxaha socdaalka ee Labada Dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga Walaalnimo ee ka dhaxeeya Labada Waddan iyo Labada Shacab.

Makaahiil C/Rashiid Barre

Jabuuti

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...