Itoobiya oo sheegtay inay sii wadayso howl-galkeeda Soomaaliya

Date:

Addis Ababa-(SNTV)-Wasaaradda arrimaha dibedda Dalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaadday inay ka go’an tahay inay Soomaaliya kasii howl-galaan Ciidamadeeda inta si weyn loo wiiqayo Al-Shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya, Meles Alem, ayaa Shalay u sheegay Saxaafadda inay Dowladdiisu doonayso inay sii waddo shaqada AMISOM ee la dagaallanka argagixisa.

Wuxuuna midowga Afrika u soo jeediyay inaysan ka bixin Soomaaliya illaa la naafeeyo Al-Shabaab ama ay Ciidamada Soomaaliya awood buuxda ugu yeelanayaan sugidda ammaanka Dalka.

Ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ayaa Dalka Soomaaliya yimid 2007-, si ay ula dagaallamaan Al-Shabaab iyo kooxaha argagixisada ee kasoo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda qorshayaal lagu dhisaya Ciidamada Xoogga iyo Booliska, si ay ammaanka Dalka ula wareegaan marka ay laabtaan Ciidamada midowga Afrika ee AMISOM.

Isha/ Anadolu

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...