Taliyaha Ciidanka Booliska oo la kulmay Masuuliyiin ka socday Heyโ€™adda UNOPS ee Qaramada midoobay โ€œSawirroโ€

Date:

Muqdisho (SNTV), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Masuuliyiin ka socday heyโ€™adda UNOPS ee Qaramada midoobay u qaabilsan mashaariicyada.

Taliyaha, ayaa Heyโ€™addaasi kala hadlay arrimo badan oo ay kamid ahaayeen siddii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac ka dhaxeeya, taageerada booliska Soomaaliya ee dhinaca dhismaha, tababarka iyo Qalabeynta Ciidanka iyo taakuleynta laamaha ammaanka dalka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa uga mahad celiyey Qaramada midoobay sida hagar laโ€™aaneed ee ay uga qeyb qaataan Horumarka dalka iyo taageerada ay siiso Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale