shir qaab dhismeedka Wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug oo lagu qabtay Dhuusomareeb

Date:

Cadaado (SNTV), si loo sameeyo isla Xisaabtan iyo Fulinta Adeegyo Bulsho oo  Taya leh, ayaa Maanta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dawladaha Hoose ee Galmudug waxa ay Qabatay Shir ay ku soo Bandhigaso Qaab dhismeedkA iyo Waajibaadka Wasaarada, waxaana ka soo Qaybgalay inta Badan Wasiirada Wasaaradaha Galmudug iyo Xildhibaano,  iyaddoo Muddo Dheer la falanqeeyey Qaab dhismeedka Wasaaradaha iyo Fulinta Waajibaadka loo igmaday.

Agaasimaha Wasaarada Arimaha Gudaha Dawlad goboleedka Galmudug Marwo Sacdiyo Maxamed Cumar, ayaa ka warbixisay Shirka iyo waxyaabaha looga Hadlayey ayna ka mid yihiin wajibaadka Wasaarada laga rabo iyo Hiigsigeeda.

Markii uu shirku soo xirmay, ayaa Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlad goboleedka Galmudug, Mudane  Maxamed Xayir Nuur, ayaa waxa uu sheegay inay ka doodeen Qaab dhismeedkii Wasaaradu ku shaqayn lahayd, ayna dhowaan hor gayn doonaan Kulanka Golaha Wasiirada.

Wasaaradaha Maamulka Galomudug, ayaa Dhowaanahaanba waday Dardar galinta Shaqooyinka Kala duwan ee loo xil saaray, waxaana Meesha aan ka marnayn Shirar lagu qabanayey Magaalada Dhuusamareb ee Caasimada Maamulka, si kor loogu qaado fulinta Howlaha Muhiimka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...