Eng: Yariisoow oo kulan la qaatay Justin Duo Gore

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow) oo kulan gaar ah la qaatay Agaasime Gobolleedka Machadka Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka Afrika Mudane Justin Duo Gore ayaa sheegay in dhawaan la bilaabayo wacyi-gelinta ku saabsan hannaanka ay dadka Gobolka Benaadir u soo dooranayaan goleyaasha degmooyinka.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in hirgelinta doorashada goleyaasha degmooyinka ay kala kaashanayaan khubarada Soomaaliyeed iyo xarumaha cilmi baarista heer caalami, si looga mira dhaliyo hiigsiga ku aaddan dimuqraadiyad horumarsan oo ka tarjumeysa go’aanka dhabta ah ee shacabka Gobolka.

“Dadaalladeenu waxa ay ku qotomaan sidii aan u hirgelin lahayn in bulshada Gobolka Benaadir ay soo doortaan goleyaasha degmooyinkooda si wada shaqeynta loo xoojiyo.” Ayuu yiri Eng Yarisow.

Khubarada Machadka Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka Afrika ee soo garay magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay sida ay ugu faraxsan yihiin in aqoonta iyo khibradda ay u leeyihiin dimuqraadiyeynta iyo doorashooyinka ay la wadaagaan Bulshada Gobolka Benaadir, iyagoona ku bogaadiyey Maamulka Gobolku sida ay uga go’antahay hirgelinta golyaasha degmooyinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...