Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo laamaha ammaanka dalkaasi kala hadlay dilalka Soomaalida loo geysto.

Date:

Muqdisho (SNTV)-Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika Ambassador Jamaal Maxamed Barrow ayaa booqasho ku tagay goobo ganacsi oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaali ah oo ku yaala duleedka magaalada Pretoria ee caasimada dalka K/Afrika,  kuwaasi oo habeenno kahor lagu dilay laba ka mid ah ganacsatada Soomaalida 6-ruux oo kalena lagu dhaawacay.

Ambassador Jamaal Maxamed Barrow ayaa la kulmay qaar ka mid ah ganacsatada, waxaana uu ka dhageysatay dhibaatooyinka ay la kulmayaan iyo cabsida soo wajahday maalmahii dambe ee ku aadan weerarada is daba jooga ah ee lagu laynayo ganacsatada Soomaalida ee deegaanadaasi ku leh goobaha ganacsiga.

Safiirka oo Soomaalida kula hadlayay qabuuraha muslimiinta ee magaalada Pretoria oo  aas loogu sameeyey muwaadinkii ugu dambeeyay ee dalka Koonfur Afrika lagu dilay ayaa sheegay in uu kulan gaar ah la qaatay saraakiisha Ciidamada Police-ka ee xaafadda Soshanguve oo dilalkii ugu dambeeyay ay ka dhaceen, isla markaana uu kala hadlay sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa burcadii dilalkaan geystay si sharciga loo horkeeno.

Jamaaal Maxamed Barrow ayaa ugu baaqay Soomaalida in ay u midoobaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinkaan soo laab laabtay ka safaarad ahaana ay diyaar u yihiin in ay kula xisaabtamaan laamaha ammaanka sidii sharciga loo horkeeni lahaa burcada ugaarsata Muwaadiniinta Soomaalida ee ku nool magaalooyinka dalka Koonfur Africa.

Todobaadkii ugu dambeeyay gudaha dalka Koonfur Afrika waxaa lagu dilay ilaa saddax Muwaadiniin Soomaali ah tiro ka badan 7 ruuxna waa lagu dhaawacay kadib markii kooxo burcad ah ay weeraro ku qaadeen goobo ganacsi oo muwaadiniintaasi ay ka shaqeynayeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Ku-simaha Safiirka Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeeray fariisimada Ciidanka Xoogga ay ku leeyihiin ee magaalada Beledweyne

Taliyaha Ciidanka Dhulka Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa...

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Wasiirka gaashaandhigga XFS oo xaqiijiyey hawgalo lagu dilay horjoogeyaal khatar badnaa

Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalim...