Wasiirka Aminga Xukumada Soomaaliya oo sheegay in dhawaan shirka amniga lagu qabanaayo garoowe

Date:

Magaalada Garoowe ee xarunta Dowlada Goboleedka Puntland waxaa lafilayaa in dhawaan uu ka qabsoomo shir looga hadlayo amniga dalka kaasi oo ay isugu imaanayaan Wasaaradaha amniga Heer Federaal iyo Heer Dowlada Goboleed.

Sidaasina waxaa sheegay Wasiirada amaanka Dowladad Federaalka Soomaaliya iyo Puntland kadib safar dhawaan wafdi uu hogaaminayaya wasiirka amniga uu halkaasi ku tagay,waxaana deegaanada Puntland laga dareemayaa horumaro dhinacyo kala duwan leh oo uu amaanka ugu horeeyo.

Axmed C/llaahi Dowlad oo ah Wasiirka Amniga Puntland oo soo sagootiyay xubnaha Wafdiga ayaa sharaxay xaaladaha amaanka deegaanadaasi.

“Ee halkan waxa jooga wasiirka amniga qaranka iyo kuxigeenkiisa oo kamid ahaa wafdigii ka yimid xamar,waxaan filaynaa kolay waxyaabihii ay ka arkeen amniga Puntland inta ay soo socdeen Boosaaso ilaa garoowe amniga iyo soo dhaweyntii ay soo arkeen,waxaan filaynaa in Soomaaliya ay dhamaanteedi noqon doonto,wafdigana waxaan ka sugaynaa fariintani in ay naga gudbiyaan”. Ayuu Yiri Wasiirka amniga Puntland.

Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxmed Abuukar ISlow Ducaale oo hoggaaminayay wafdigii dhawaan tagay Puntland ayaa ka mahadceliyay soo dhaweyntii loo sameeyey isagoo sharaxay ugu horeyn waxyaabihii ay la soo kulmeen.

“Waxaan u mahadcelinayaa shacab weynaha amma Xukuumada maamul Goboleedka Puntland,sida ay inoo soo dhaweeyeen,waxaan leeyahay waad mahadsantihiin maalintii aan Boosaaso ka soo degnay ilaa iyo haatan,marka xaqiiqdii safar dhulka ah ayaan soo marnay Carmo ayaan soo marnay Calema saarkii Beeldaajie Maxmed Ismaaciil,marka waa dareemi kartaan dhul musaafo intaasi la eg,amniga kajira maamulada kalena waxaan leeyahay haku deysadaano”.Wasiirka Amniga XFS.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...