Gudiga Doorashada Gudoomiyaha golaha shacabka oo lagu dhawaaqay maanta

Date:

Mudanayaasha Golaha Shacabka JFS ayaa maanta waxay kulan iskugu yimaadeen xarunta Golaha Shacabka , kulankaan ayaa waxaa Shir Guddoominayay Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacbka ahna Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Shacabka Mudane Cabdi Wali Ibraahim Sheekh Muudey

Ajendaha Kulanka ayaa ahaa Dhaarin Xildhibaan Cabdullahi faarax Wehliye iyo sidoo kale  Ku Dhawaaqista Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaah Shacabka

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacbka ahna Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Shacabka Mudane Cabdi Wali Ibraahim Sheekh Muudey ayaa ku dhaawaqay Xubanaha Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacbka, isagoona ka codsaday in ay si hufan u gutaan waajibkooda dar dargaliyaana howsha loo igmaday

Intaas kadib waxaa Magacyada Xubnaha Guddiga Doorashada Guddomiyaha Golaha Shacabka ka hor akhriyay Mudane Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Golaah Shacabka.

Waxaa kulanka  soo xiray ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku xigenka 1-aad Mudane Cabd Wali Ibraahim Sheekh Muudey, wuxuuna kula dardaarmay Guddiga in ay sida ugu dhaqsiyaha badan howshooda u soo gabagabeeyaan mudada kooban ee u harsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...