Casho sharaftaan uu guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ahayd mid sagootin iyo dar daaran ah.
Cashada kadib ayaa waxaa goobta ka hadlay guddoomiyeyaasha Baarlamaanada dowlad goboleedyada iyagoo u mahadceliyay gudoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan iyo Hirgalinta Dastuurka Maxamed Daahir Afrax ayaa ka hadlay waxqabadkii mudada labada maalmood ee la soo dhaafay.
Sidoo kale guddoomiyaha Guddiga la socodka ,dib u eegista iyo hirgalinta dastuurka Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa balan qaaday isagoo ku hadlay magaca madasha gudiyada dastuurka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed in ay u dhabar adeegi doonaan dhamaystirka dastuurka.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa sheegay in howsha ay gacanta ku hayaan lagu taageeri doono.