Mudanayaasha Golaha Shacabka JFS ayaa maanta waxay kulan iskugu yimaadeen xarunta Golaha Shacabka , kulankaan ayaa waxaa Shir Guddoominayay Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacbka ahna Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Shacabka Mudane Cabdi Wali Ibraahim Sheekh Muudey
Ajendaha Kulanka ayaa ahaa Dhaarin Xildhibaan Cabdullahi faarax Wehliye iyo sidoo kale Ku Dhawaaqista Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaah Shacabka
Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacbka ahna Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Shacabka Mudane Cabdi Wali Ibraahim Sheekh Muudey ayaa ku dhaawaqay Xubanaha Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacbka, isagoona ka codsaday in ay si hufan u gutaan waajibkooda dar dargaliyaana howsha loo igmaday
Intaas kadib waxaa Magacyada Xubnaha Guddiga Doorashada Guddomiyaha Golaha Shacabka ka hor akhriyay Mudane Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Golaah Shacabka.
Waxaa kulanka soo xiray ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku xigenka 1-aad Mudane Cabd Wali Ibraahim Sheekh Muudey, wuxuuna kula dardaarmay Guddiga in ay sida ugu dhaqsiyaha badan howshooda u soo gabagabeeyaan mudada kooban ee u harsan.