Xafiiska adeegyada heer degmo ee dowlada hoose oo laga hirgaliyay Deyniile iyo Dharkiinley

Date:

Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Benaadir Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta xariga ka jaray xafiisyada Adeegga ee degmooyinka Deyniile iyo Dharkiinleey ee Gobolka Benaadir.

Xafiisyada Adeegga heer degmo ee la hir geliyey ayaa bixin doona adeegyada shatiyada, dhalashada iyo sugnaanta, kaarka aqoonsiga ee dawladda hoose, Nootaayooyinka iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah, kuwaas oo markii hore shacabku ay u soo doonan jireen Xarunta Gobolka.

Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in tallaabadan lagu hirgeliyey xarumahan ay qeyb muhiim ah ka tagay aragtida horumarineed ee Guddoonka Gobolka, isagoona xaqiijiyey in Maamulka Gobolku ay dhawaan ka hirgelin doonaan Xafiiska Adeegga Bulshada dhammaan 17ka Degmo ee Gobolka Benaadir.

“Mudaddi boqolka maalmood ahayd ee Guddoomiye Yarisow uu xilka hayey waxaa noo suurta gashay in aan ka furno todoba degmo oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Benaadir xafiisyada adeegga bulshada, taas oo ka tarjumeysa sida ay nooga go’antahay in aan daadajinno adeegyada uu bixiyo Maamulka Gobolku, tani oo meesha ka saareysa culeyska iyo dhibaatada ay kala kulmi jireen shacabku helitaanka adeegyada asaasiga u ah.” Ayuu yiri Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda.

Munaasabadda furitaanka xarumahan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Dayniile, Dharkiinleey iyo Agaasimaha dakhliga Gobolka Benaadir.

Dadka ku nool degmooyinka Deyniile iyo Dharkiinleey ayaa soo dhaweeyey xafiisyadan looga hirgaliyey deegaannadooda iyagoona tilmaamay in ay ka fududeeynayso caqabadihii ay horey ugala kulmi jireen helitaanka adeegyada ay uga baahanyihiin Maamulka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

Muqdisho, Diseembar, 25, 2025; Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

Muqdisho, Diseembar 25, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...