Ku-simaha Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray xarunta cusub Degmada Heliwaa

Date:

Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Amniga iyo Siyaaadda Gobolka Mudane Maxamed Cadullaahi Maxamed ( Tuulah) ayaa xariga ka jaray Xarunta Degmadda Heliwaa oo dhawaan Dib u dayactir iyo qurxin lagu sameeyay.

Dib u dayactirka Xarunta Degmada Heliwaa oo ay si isku tashi ah u dhisteen Shacabka iyo Maamulka Degmadaasi ayaa waxaa ku simaha duqa Magaalada uu kula dardaarmay in bulshada ay ilaashadaan goobaha danta guud ee laguu shaqeeyo.

Mudane Tuulax ayaa u balan qaaday in Guddoomiyaha degmada Heliwaa lagu abaal marin doono waxqabadka uu la yimid, isagoo guddoomiyeyaasha kale ugu baaqay inay ku daysadaan Maamulka Degmada Heliwaa oo soo bandhigay isku tashi ay ku guuleysteen inay dib u habeyn ku sameeyaan xarunta degmada.

Dhinaca kale, Xarunta Degmadda Heliwaa ayaa lagu qabtay maanta Shirka isbuuclaha ah ee Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo Maamulka Sare ee Gobolka Banaadir, waxaana looga hadlay shirkaasi sida wax looga qaban karo dhibaatooyinka ay roobabka u geysteyn bulshasa Caasimadda.

Ku-simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Tuulax, ayaa sheegay in shirka Degmooyinka maalinba degmo lagu qaban doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...