AMISOM oo tababar ku saabsan arrimaha bini-adanimada ku qabatay magaalada Jowhar.

Date:

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa tababar hal maalin ah magaalada Jowhar xarunta maamulka Hirshabeelle ku qabatay,kaasi oo si aad ah diirada loogu saarayo qawaaniinta qaabilsan Arrimaha bini-adanimada iyo Milatariga,qeybna ka ah wada xaajood u dhaxeey AMISOM iyo Bulshada rayidka ah.

“Caqabadaha bini’aadanimo waxa ay ku baaqayaan in la kordhiyo isuduwidda iyo wada-xaajoodka u dhexeeya AMISOM iyo la-hawlgalayaasha ka shaqeeya aagagga dib gacanta loogu soo celiyay,” ayuu yiri Abdul Diabagate,oo ah Sarkaalka ugu sareeya howlaha bini-adanimada ee AMISOM.

Doodaha la isku dhaafsanayay tababarka ayaa u muuqday kuwo inta badan diirada saarayay baahida loo qabo in la kordhiyo dhaq dhaqaaqa iyo fududeynta arrimaha bini-adanimada iyo waliba in la kordhiyo isdhexgalka bulshada goobaha ay ka jiraan dhibaaooyinka ba’an iyo masiibooyinka dabiiciga ah.

Tababarka ayaa ujeedkiisu wuxuu yahay dhiira gelinta iskaashiga u dhaxeeya Saraakiisha Xiriirka rayidka ah AMISOM iyo la howl-galayaashooda,waxaana sidoo kale ka qeyb galayaasha la dareensiinayay  muhiimadda ay leedahay ilaalinta Sharciga Caalamiga ah ee Bani’aadamnimada, mabaadii’da bani’aadamnimada iyo Sharciga Qaxootiga Caalamiga ah.

AMISOM ayaa sheegtay in tababarka kan xiga uu ka dhici doono magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA AAN CAADIGA AHEYN EE GUDDIGA JOOGADA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay Xuska Sanad-guurada Aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS “Geesiyaasha CXD waa kuwa badbaadiyey 20 milyan oo Soomaaliyeed”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga...