AMISOM oo tababar ku saabsan arrimaha bini-adanimada ku qabatay magaalada Jowhar.

Date:

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa tababar hal maalin ah magaalada Jowhar xarunta maamulka Hirshabeelle ku qabatay,kaasi oo si aad ah diirada loogu saarayo qawaaniinta qaabilsan Arrimaha bini-adanimada iyo Milatariga,qeybna ka ah wada xaajood u dhaxeey AMISOM iyo Bulshada rayidka ah.

โ€œCaqabadaha biniโ€™aadanimo waxa ay ku baaqayaan in la kordhiyo isuduwidda iyo wada-xaajoodka u dhexeeya AMISOM iyo la-hawlgalayaasha ka shaqeeya aagagga dib gacanta loogu soo celiyay,โ€ ayuu yiri Abdul Diabagate,oo ah Sarkaalka ugu sareeya howlaha bini-adanimada ee AMISOM.

Doodaha la isku dhaafsanayay tababarka ayaa u muuqday kuwo inta badan diirada saarayay baahida loo qabo in la kordhiyo dhaq dhaqaaqa iyo fududeynta arrimaha bini-adanimada iyo waliba in la kordhiyo isdhexgalka bulshada goobaha ay ka jiraan dhibaaooyinka baโ€™an iyo masiibooyinka dabiiciga ah.

Tababarka ayaa ujeedkiisu wuxuu yahay dhiira gelinta iskaashiga u dhaxeeya Saraakiisha Xiriirka rayidka ah AMISOM iyo la howl-galayaashooda,waxaana sidoo kale ka qeyb galayaasha la dareensiinayay ย muhiimadda ay leedahay ilaalinta Sharciga Caalamiga ah ee Baniโ€™aadamnimada, mabaadiiโ€™da baniโ€™aadamnimada iyo Sharciga Qaxootiga Caalamiga ah.

AMISOM ayaa sheegtay in tababarka kan xiga uu ka dhici doono magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale