Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa maanta bilowday tababarka tababarayaasha Saraakiisha Sare ee Waxbarashada Madaniga

Date:

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa maanta bilowday tababarka tababarayaasha Saraakiisha Sare ee Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka jamuriyada soomaliya.

Tababarkan oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ka tirsan Dawladda Federaalka, Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa waxa uu seddex maalin ka socon doonaa magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimha Dastuurka ee XFS Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa ugu horeeyn ka hadlay ujeeddada tababarka.

“Qorshaha tababarkan horay ayuu u soo socday oo June, 2017 ayaa bilaawnay diyaarinta Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga, maanta waxa aan gudagaleynaa fulinta Istiraatiijiyadda waxaana ugu horeeya in dadkii dalka oo dhan ka fulin lahaa la tababaro” ayuu yiri Agaasimaha Guud.

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS Dr Xuseen Cabdi Cilmi oo furay tababarka ayaa yiri “Kulankan tababarka ah waa mid muhiim u ah dhameeystirka Dastuurka maadaama dadkii Dastuurka bari lahaa shacabka ay halkan ku tababaranayaan; Wasaaradda waxaa ka go’an in Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka la gaarsiiyo illaa tuullooyinka, sidaa awgeed ayaan tababarkan iyo tababaro kale ugu qaban doonnaa gobolada dalka”.

Ugu dambayn, Wasiir Ku-Xigeenka ayaa kula dardaarmay ka qaybgalayaasha inay ka faa’ideystaan tababarka kana qaybqaataan gaarsiinta Waxbarashada Madaniga ee Dib-u-eegista Dastuurka gobolada ay ka yimaadeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...