Madaxweyna Gaas oo soo dhaweyay baaqa salaadiinta ee ku aadan nabadeynta deeganada Putland

Date:

Munaasabadda caleema saarka Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje C/llaahi oo isugu jiray wafuud ka socotay dowladda Soomaaliya, odayaasha dhaqanka oo ka kala yimid gudaha iyo dibadda dalka iyo madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenliisa ayaa inta badan diiradda saaray kalinta odayaasha dhaqanku ay ku leeyihiin nabadda, dib u heshiisiinta iyo dowladnimada.

Boqor Cismaan Maxamuud Boqor Buurmadow oo hogaaminayay wafdi ka yimid Soomaaliland iyo Boqor Burhaan Muuse Yuusuf oo ah hogganka dhaqanka Puntland ayaa si wada jir ah ugu baqey in la kala qaado ciidamada isku hor fadhiya deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

“Waxaan maqlaynaa ciidamo ayaa is hor fadhiya waxaan leenahay shacabka Soomaaliyeed marna uma dulqaadan karaan dhibaato iyo colaad,waxaan leenahay halakala qaado ciidamada is horfadhiya,madaxweyne muuse biixina waan kala hadalnay fariin nabadeed ayaanu ka sidnaa C/weli Gaasna waan la soo xiriirnay”.sidaasina waxaa goobta ka sheegay Boqor Buurmadow.

Siyaasiga Cali Maxamed Geedi iyo guddoomiyaha guddiga arrimha dastuurka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid ayaa dhankooda sheegay in hadii salaadiintu ay u istaagaan nabadda ay ka miro dhalinkaraan.

“Mareykanka oo ah dalka dagaalka sokeeye ugu dheer ee soo marey waad ogtihiin waxa hesiisiiyay odayaal dhaqmeed,dastuurkii ay qoreen ayaa ilaa hadda shaqeynaya

Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ku hadlayay magaca wafdiga dowladda Soomaaliya ayaa  ku ammaanay madaxad puntland iyo waxgaradka sida ay uga wada shaqeeyeen horumarka.

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaasi ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo baaqa nabadeed oo ay soo jeediyeen salaadiinta.

“Marka hore waxaan u hambalyeyenayaa Beeldaajiyaha ilahay hakula garab galo xilkan culus ee aad qaaday,hadii aan u soo laabto baaq Boqor Buurmadow aniga ka madaxweyne ahaan waan qaatay baaqa nabadeed,waase hadii uu kaa aqbalo Muuse Biixi”. Ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukun toogasho ah ku fulisay dhagarqayaal Khawaarij ah

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka...

Tababar ku saabsan qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Muqdisho lagu qabtay

Tababar ku saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran (Green Climate...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Dr Cumar Aaden Cadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...