Shirka 29-laad ee jaamacada Carabta oo maanta ka furmayo magaallada Dammaam ee Dalka Sacuudiga

Date:

Magaalada Dammaam ee dalka Sacuudiga waxaa maanta oo Axad ah ka furmaya shir madaxeedka 29-aad ee wadamada ku bahoobay Jaamacadda Carabta, kaasi oo arrimo badan looga hadli doono.

Shirka Madaxda Jaamacadda Carabta ayaa la qorsheeyay in diirradda lagu saaro qadiyadda Falastiin dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xiisadaha ka taagan dalalka Suuriya, Yamen iyo Liibiya, iyadoona madaxda carabtu ay si qoto dheer uga doodi doonaan xal u helista dhibaatooyinka ka jira dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray Magaalada Dammaam ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa Ka qeyb-galaya shirkaasi maanta ka furmayo Magaalada Dammaam.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu-wadaa inta shirkan uu socdo in uu kulamo gaar gaar ah la yeesho Madaxda Qaar ee shirka ka qeybgalaya, isagoo kala hadli doono xoojinta xiriirka iyo iskaashiga danaha guud.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay Jadwalka Doorashooyinka D/Gobolleedyada

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (...

Wasiirka Warfaafinta oo hambalyo u diraybahda warbaahinta munaasabadda 3-da May

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo furay tababar ku saabsan Ka hortagga tabinta hadallada naceybka ee xilliyada doorashooyinka

Aqoon-isweydaarsigan oo soconaya muddo laba maalmood ah waxaa ka...

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cali...