Musharax Cabdullaahi Faarax Weheliye oo ku guuleystay Doorashada kursiga ka banaan golaha shacabka

Date:

Kursigaan waxaa ku tartamayey Sadex Musharax oo kala ah Cabduulaahi Faarax Weheliye, Maxamed Cilmi Afrax iyo Cabdulle Faarax Xirsi.

Cabdullaahi Faarax Weheliye ayaa helay Codad gaaraya 28-cod, halka Maxamed Cilmi Afrax uu helay 17-cod, waxaana guddigu ay sheegeen in Musharax Cabdulle Faarax Xirsi uu helay 3-cod, iyadoo Sadex cod oo kalena ay halaabeen, sidaasina waxaa Kursiga loo tartamayey ee Golaha Shacabka ku guuleystay Cabdullaahi Faarax Weheliye.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo natiijada ku dhawaaqday ayaa sheegtay in Doorashadu ay u dhacday sidii loogu talo galay, islamarkaana dadkii ka qeyb galay ku amaantay hanaanka ay u ilaaliyeen shuruucda Doorashada.

Labada Musharax ee laga guuleystay ee kala ah Maxamed Cilmi Afrax iyo Cabdulle Faarax Xirsi ayaa soo dhaweeyey natiijada Doorashada, waxaana ay sheegeen in si cadaalad ah ay u dhacday Doorashada.

Musharax Cabdullaahi Faarax Weheliye oo doorashada ku guuleystay ayaa uga mahad celiyey Guddiga sida wanaagsan ee Doorashada loo maamulay, waxaana ku bogaadiyey Musharaxiintii la tartamay sida ay u aqbaleen Natiijada.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka hadlay Munaasabadda ayaa marka hore ku amaanay Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Howsha ay qabteen, waxaana uu u hambalyeeyay Musharaxa guuleystay oo uu ku sheegay inuu yahay Xildhibaankii ugu horeeyey ee Golaha Shacabka ka tirsan ee lagu doortay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Kursiga loo tartamay ee Golaha Shacabka waxaa ka geeriyooday Allaha U naxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo dhawaan ku geeriyooday dalka India.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...

Wasaaradda ganacsiga oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soosaarka gudaha

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...