Shirka hormarinta warbaahinta soomaaliya oo wali ka socda Magallada Garoowe

Date:

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiisa ahna Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mudane:Xildhibaan C/raxmaan Iidaan Yoonis oo  la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in shirka Wasiirada Warfaafinta heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee ka socda magaalaa Garoowe diirada lagu saarayo shan Qodob oo muhiim ah.

“Shirka wasiirada warfafinta iyo ergooyinka kala duwan ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa shalay ka furmay Garowe waxana loga hadlay shan Agande ayaa looga hadlayaa waxaa shantaasi qodob ay kala yihiin dhisidda gudiga wacyigelinta, dhameystirka istiraatiijiyada wacyigelinta waxaa sidoo kale laga hadlay akhbaareynta xarunta dhexe ee warbaahinta, warbaahinta qaranku ay yeelanayso xarun wax soo saara uuna” ayuu yiri Mudane C/rixmaan Iidaan Yoonis

Shirkan oo shalay magaalada Garoowe ka furay madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland ayaa socon doono mudo 4-maalmood,waxaana inta uu socdo ka qeyb galayaasha ay isla meel dhigi doonaan sidii loo heli lahaa wadiiqooyin sahlaya horumarinta warbaahinta Soomaaliya iyadoo ay iska kaashanayaan qeybaha kala duwan ee warbaahinta dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jigjiga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo...