Wafdigaan, ayaa waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaano ,Bahda warfaafinta Soomaaliyeed sida wasaaradaha warfaafinta Maamul Gobaleedyada dalka ,Madaxda warbaahinta dowlada iyo ururada saxaafadda ee Madaxa Banaan, uuna Horkacayay siihayaha wasiirka warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane C/raxmaan Iidaan Yoonis, waxaana ku soo Dhoweeyayay Garoonka diyaaradaha ee Kanoco Madaxda wasaaradda warfaafinta Puntland ,wasiiro iyo xunba Kala duwan, waxayna Garoowe kaga qayb gali Doona shirkii labaad ee bahda warfaafinat Soomaaliyeed oo Garoowe ka furmi Doona .
Mudane C/Xirsi Cali Qarjab wasiirka warfaafinta is gaarsiinta Hidaha iyo dhaqanka Dowlad goboleedka Puntland, ayaa ku soo dhoweeyay Madaxdaani kala duwan Puntland, xusayna in uu Garoowe ka furmi doono shir u Muhiim ah bahda warfaafinta iyo Bulshada Soomaaliyeed.
Sii hayaha wasiirka warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowlada Federalka ah ee Soomaaliya ahna wasiir ku xigeenka wasaraadaasi Mudane C/rixmmaan Iidaan Yoonis, ayaa ka Mahad celiyay Soo dhowaynta Garoowe loogu sameeyey, siina raaciyay in uu Garoowe ka furmi Doono shirkii Labaad ee ay yeelan Doonaan Bahda Warfaafinta Soomaaliyeed, kaasi oo daba socda shir sanad ka hor la qabtay.
Shirkaan ayaa lagu wadaa in uu socdo Muddo afar barri ah, kaasi oo ay yeelan doonaan Madaxda ka qayb galaysa shirkaani Doodo ,wada tashiyo iyo kulama gaar gaar ah oo loogaga arinsanayo Horumarinta iyo iskaashiga wasaarada warfaafinta Dowlada Federalka ah ee Soomaaliya iyo wasaaradaha warfaafinta ee Maamul gobaleedyada dalka iyo horumarinta warbaahinta dalka.