Shirka wadatashiga wasaarada warfaafinta iyo warbaahinta madax banaan oo ka furmay garoowe

Date:

Wajiga labaad Shirka Wadatashiga Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah maamulka Gobalka Banaadir iyo warbaahinta Madaxabanaan ayaa maanta ka furmay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Gobaleedlka Soomaaliyeed ee Puntland Mudane C/xakiin Xaaji Camay ayaa si rasmi ah u furay shirkaan oo socon doona mudo Afar maalin ah.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa madaxda ka socota wasaaradaha Warfaafin dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada kula dardaarmay isku duubni iyo in la sameeyo wacyigalin iyo tababar joogta ah oo ay helaan dhallinyarada Suxufiyiinta.

Shirkaan ayaa mudada uu socdo waxaa looga hadli doonaa iskaashiga iyo horumarinta warbaahinta dalka, sida uu sheegay sii haayaha xilka wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Mudane C/rixmaan Iidaan Yoonis.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...