Madashan Wadatashiga Horumarinta Galmudug ayaa waxaa ka soo Qeybgalay Ganacsato aad u fara badan kuwaasoo danaynaya Maal Gashiyada Deegaanada Galmudug.
Waxaa Halkaasi ugu horayn ka hadlay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Galmudug Maxamed C/lahi Cabdi waxa uuna sheegay in shirkani uu yahay Mid lagu Farxo Ganacsataduna ay gaari karaan Heerar ay ku maalgashadaan Deegaanadooda.
Dhinaca kale waxaa isna Halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Galgaduud Yaasiin Sh Maxamed waxa uuna tibaaxay inay Muhiim tahay Horumarinta iyo kor uqaadista Kaabayaasha Dhaqaalaha Galmudug.
Ugu dambayn Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa Ganacsatada u sheegay inay Horumariyaan Deegaankooda waxa uuna xusay in la siin doono Dhulal ay dhistaan isla markaana ka samaystaan Goobo Ganacsi.
Shirkan ayaa inta uu socanayo waxaa looga hadli doonaa arimo ay ka mid yihiin Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Galmudug iyo Ganacsatadu ay taageeraan Maamulka.