Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo kormeer ku tagay Isbitaalka Erdogan ee Ex Digfeer kulane la qaatay madaxda isbitaalka iyo bukaanada ku jira

Date:

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Ra”iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa ujeedada kormeerkiisa waxa ay ahayd u kuurgalida Xaalada caafimaad ee dadka ku jira Isbitaalka iyo qaabka wax loogu qabanayo..

Maamulaha Isbitaalka iyo Dhaqaatiirta oo isugu jira Soomaali iyo Turki ayuu warbaxin ka dhageystay Ra’iisul Wasaare Mahdi Maxamed Guuleed, waxaana ay sheegeen Maamulka Isbitaalka in si wanaagsan loogu adeego Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee adeegyada caafimaad u yimaada.

Intaasi ka dib ayuu Mudane Mahdi Maxamed Guuled Khadar wuxuu wareystay xaalada bukaanada ku jira Isbtaalka sida ay tahay iyo qaabka loogu adeego, wuxuuna u rajeeyay caafimaad deg deg ah inuu ilaah siiyo dhaawacyada ku jira Isbitaalka.

Booqashada Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka uu maanta ku tagay Isbitaalka Digfeer waxa ay qeyb ka tahay kor joogteynta iyo hubinta  adeegyada bulshada Soomaaliyeed in si wanaagsan u gaaro.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Tamarta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lahusoo dhaweeyay Dhuusamareeb. 

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha...

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...